Thursday, October 15, 2009



Jun 2, 2006

Baaq ku aadan xasuuqa gumaadka shacabka ee uu Taliska Wayaanuhu ka wado Ogaadeenya

Waxaa Dalka Ogaadeenya ka socda maalmahan Olole uu cadowgu ugu talo galay inuu ku tirtiro shacabka Ogaadeenya kadib markii uu ku guul daraystay dagaaladii uu kula jiray Ciidanka Waddaniga Xorreynta Ogadenya.

Taliska macangaga ah ee Addis Ababa waxay keenen Ogaadenya ciidan xaddi dhaaf ah oo wata techniko badan iyaga oo dadki ku noolaa miyiga iyo magaalooyinka ka dhigay qaar ay dilaan; qaar ay dhacaan iyo kuwo ay qasab ku xasuuqaan. Ciidanka bahalka ah ee 40% cudurada dilaaga ah qaba waxay caadaysteen inay si joogta ah u fara xummeeyaan haweenka aan wax dambi lahayn. Waxay si naxariis daro ah u gubeen ilaa toboneeyo tuulo. Waxay boobayaan dadka ku nool degmooyinka iyo xoolo dhaqatada.

Isaga oo hirgalinaya ujeedooyinka loo aas aasay ooy ka mid yihiin in qaddiyada iyo dhibaatada shacabka Ogaadenya gumeysiga Itoobiya ku hayo bulshada caalamka loo bandhigo ayuu Ogaden Youth Forum si kulul u cambaaraynayaa falalka xuquuq bini-aadamnima darada ah ee uu taliska Addis Ababa kula kacayo shacabka aan waxba galabsanin ee Ogaadeenya.

Waxaan Bulsho weynta caalamku ugu ubaaqaynaa waajibka ka saran inay si degdeg ah ugu soo gurmadaan dadka Ogaadeenya ee gumeysatada Itoobiya sida xuquuqul aadamka ka baxsan u laynayso.

Waxaan iyana ugu baaqaynaa shacabka geesiga ah ee Ogaadeenya inay halmeel uga soo wada jeedsadaan falkan bahalnimada ah ee Cadowga Taliska Addis Ababa kula kacayo. Dadka sida gaarka ah dhibaatadu u soo gaadhayna gargaar degdeg ah la siiyo.

Guusha Waxaa iska Leh Shacabka Ogadenya!
Guusha Waxaa Leh xaq u dirirka!

Ogaden Youth forum
E-mail ogadeny@yahoo.com

No comments:

Post a Comment